Grants and funding opportunities
Kaalmada maalgelinta caafimaadka guriga iyo khataraha badqabka
Ka ilaalinta sunta liidh Hennepin County
Dawladdu waxay mamnuucday rinjiga uu kujiro liidh 1978-kii, laakiin guryaha la dhisay wixii intaas ka horeeyay waxay u badan tahay inay leeyihiin heerar liidh ah oo weli jirta. Sunta liidhka ayaa si gaar ah khatar ugu ah carruurta yaryar waxayna saameyn xun ku yeelan kartaa caafimaadkooda.
Hennepin County waxay bixisaa barnaamijyo kala duwan, oo ay ku jiraan taageerada lagu ogaanayo laguna saarayo ranjiga liidh iyo sidoo kale barnaamijka ka baarista liidh alaabta guriga, si looga caawiyo qoysaska inay ka hortagaan oo ay yareeyaan halista sunta liidhka.
U-qalmitaanka
Milkiilayaasha guryaha iyo dadka guryaha kireeya ayaa laga yaabaa inay u qalmaan caawimo lagu ogaanayo laguna saarayo ranjiga liidh oo ay ku jiraan:
- Baaris guri oo bilaash ah
- Ilaa $15,000 oo lagu qabanayo shaqo, oo ay ku jiraan daaqadaha cusub
Buuxi foomka diwaangelinta si aad u aragto inaad u qalanto iyo in kale.
Haddii aad uga baahan tahay caawiyo dhanka buuxinta foomka diwaangelinta, fadlan nagala soo xidhiidh adeegyada turjubaanka:
- 612-543-4182
- healthyhomes@hennepin.us
Fiiri buug-yaraha barnaamijka
Soo koobida Barnaamijka
Waxa la filayo inta uu socdo hanaanka
Baaritaan guriga dhexdiisa ah oo bilaash ah
Waxaan gurigaaga ka hubinnaa khataraha ka dhanka ah caafimaadka iyo badqabka. Waxaan sidoo kale kuu sheegaynaa sida looga hortago khataraha caafimaadka guriga. Haddii ay habboon tahay, waxaad sidoo kale heli doontaa saadadka badbaado oo bilaash ah.
Helida deeqda
Waxaad buuxinaysaa codsiga deeqda. Waxaan xaqiijin doonaa dakhligaaga iyo shuruudaha deeqaha kale.
Kormeer guriga oo dhan ah
Waxaan sameynaa kormeer labaad si aan u ogaano dhammaan khataraha liidhka ee guriga.
Natiijooyinka kormeerka
Waxaan kula kulmaynaa gurigaaga. Waxaan kaala hadlaynaa natiijooyinka, shaqada loo baahan yahay iyo waxa deeqdu dabooli karto.
Fasal looga hadlayo badqabka liidhka
Waxaad qaadanaysaa fasal saddex saacadood ah. Waxaad baranaysaa sida loo rinjiyeeyo oo loo sameeyo mashruucyo yar-yar iyadoo aysan ku jirin liidhka.
Shaqada adiga ayaa qabanaya
Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad qabato shaqo aanay deeqdu daboolin, sida rinji marinta fareemka daaqadaha ama bannaanka guriga.
Shaqada ay bixisay deeqda
Qandaraaslehu ayaa qiyaasi doonaa kharashka dhammaan dayactirrada looga baahan yahay. Waxaanu dabooli doonaa dayactirka ilaa $12,000. Haddii kharashku intaas ka bato, waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad daboosho inta kale.
Shaqada dayactirka
Qandaraaslaha ayaa jadwal u samayn doona shaqada. Qofna kuma noolaan karto guriga inta lagu jiro dayactirka. Deeqdu waxay daboolaysaa kharashyada hoyga ilaa $175 maalintii ama $875 todobaadkii.
Dadka guryaha kireeyo
Waa inaad dabooshaa 10% kharashka dayactirka. Maalgelin ayaa la heli karaa.
Alaabta guriga oo ay ku jirto sunta liidhka
Ilaha suurtagalka ah ee keena wasakhowga liidh
Alaabaha sida caadiga looga isticmaalo guriga
- Xawaajiyada dibadda laga keeno, oo ay ku jiraan huruudka iyo budada basbaaska
- Waxyaabaha la isku qurxiyo sida sindoor iyo kumkum
- Nacnac la soo dhoofiyay oo ay ku jiraan budada basbaaska iyo raqayga
- Mashiinnada cuntada lagu kariyo/dheyga dhaqameed ee lagu qurxiyey ranjiga liidhka
- Mashiinnada cuntada lagu kariyo ee lasoo dhoofiyay oona ka samaysan aluminiyaamka
Dhaawooyin dhaqameedka
- Ba-baw-san, oo ah dawo dhireed Shiineys ah
- Daw Tway, daawo gacan ka gaysata dheefshiidka oo laga isticmaalo Thailand
- Greta iyo Azarcon, dawo dhaqameedka Hisbaaniga oo loo isticmaalo calool xanuun
- Ghasard, oo ah dawo ay isticmaalaan dadka Hindida ah
Haddii aad ka welwelsan tahay in adiga ama xubin qoyskaaga ah ay isticmaalayso shey ay ku jiri karto liidh, Hennepin County ayaa laga yaabaa inay ku caawiso. Adigoo wax kharash ah lagaa qaadin, Hennepin County waxay baari kartaa alaabta waxayna go'aamin kartaa haddii ay ku jirto sunta liidh. Baaristu ma dhaawacayso alaabtaada, waxaana lagugu soo celin doonaa ayagoo ku sugan isla xaaladdii lagaaga qaaday.
Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida loo helo alaabtaada la baaray iimayl u dir healthyhomes@hennepin.us ama wac 612-387-8235.
Saamaynta sunta liidhka
Sannad kasta, celcelis ahaan 200 oo carruur ah oo ku nool Hennepin County ayaa la ogaadaa inay qabaan heerarka liidhka dhiigga oo sarreeya oo waxyeello u geysanaya caafimaadkooda.
Ilmaha yar-yar u baylihida liidhka waxay ku sababi kartaa:
- Dhaawicida maskaxda iyo habdhiska dareenka
- Koritaanka iyo horumarka oo gaabis noqda
- Dhibaatooyin ka dhan ah waxbarashada iyo habdhaqanka
- Dhibaatooyinka maqalka iyo hadalka
Ka hortagga sunta liidh
Macluumaadka khatarta ranjiga ee Minnesota Department of Health
Minnesota Department of Health waxay ku talinaysaa in dhammaan carruurta laga qaado dhiigga intay da'doodu u dhaxayso 12 iyo 24 bilood. Haddii aad ka walaacsan tahay in ilmahaagu uu soo gaadhay liidh, la hadal bixiyaha xanaanada caafimaadkaaga oo codso in laga qaado dhiiga.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan baaritaanka liidhka dhiigga ee MDH waxaa laga heli karaa websaydka Minnesota Department of Health.
Maalgelinta khataraha kale ee caafimaadka guriga
Waxyaabaha kiciya Neefta
Haddii aad leedahay ilmo qaba neef, waxaa laga yaabaa inaad u qalanto booqasho guri si loo ogaado khataraha caafimaadka iyo badqabka ee suurtogalka ah. Waxa kale oo aad heli kartaa saadad lacag la'aan ah si ay kaaga caawiso yaraynta waxyaabaha kiciya neefta sida boodhka caarada, cayayaanka, iyo caaryada.
Nagala soo xiriir healthyhomes@hennepin.us ama lambarka 612-543-4182.
Barnaamijka dayactirka guriga
Haddii aad degan tahay hareeraha Hennepin County, waxaa laga yaabaa inaad u qalanto barnaamijka dayactirka guriga. Waxaad ka heli kartaa caawimo dhanka dayactirka khataraha caafimaadka iyo badqabka sida radon iyo caaryada.